Muqdisho – RNN Somali TV
Raxma, oo si weyn loogu yaqaan baraha bulshada magaca Sweetbirdd, ahna ganacsato Soomaaliyeed, ayaa si cad u sheegtay in aysan jirin wax xaq ah oo tilmaamaya in ragga ay ka sarreeyaan dumarka.
Raxma oo la hadlaysay taageerayaasheeda ayaa si kulul uga hortimid fikradda ah in ragga ay qiime ahaan ka sareeyaan dumarka. Waxay tiri:
“Ragga iyo dumarka Alle uma sina miyaa? Mida kale, sheekada la dhahayo ‘ragga waa 100%, dumarkana waa 50%’ waa been. Aayad Qur’aan ah ama xadiith sheegaya arrintaas car ii keena.”
Hadalkan ayaa si weyn u hadal hayn ka dhaliyay baraha bulshada, iyadoo dad badani ay taageereen aragtideeda halka kuwa kale ay dhaliil u jeediyeen.
Raxma waxa ay kamid tahay haweenka Soomaaliyeed ee si firfircoon uga muuqda ganacsiga iyo doodaha bulshada, iyadoo inta badan la wadaagta taageerayaasheeda fikradaha la xiriira sinnaanta, xuquuqda dumarka, iyo horumarka ganacsiga.
Arrintan ayaa imanaysa xilli ay sii kordhayaan doodaha ku saabsan sinnaanta jinsiga iyo kaalinta dumarka ee bulshada Soomaaliyeed.