MA JIRAA HAL XARAF OO AAD BEENIN KARTO QORAALKAN?
SIDEE: ayay u dheceen 173 qarax oo dalkeenna ka dhacday muddaddii uu xilka hayay agaasimihii hore ee NISA intii u dhexeeysay 26 May 2022 – 04-April ,2024 ?
Si kooban labo qeybood ayaan u kala qaadi doonaa waxeeyna kala yihiin;
A) Qeybta amniga iyo sirdoonka gudaha
B) Qeybta siyaasadda iyo sirdoonnada dibadda – waana sidaan hoos-ku qoran.
1) Weerarada lagu burburiyey ciidamada, laguna laayey taariikhda ciidamadii ugu badnaa, laguna qaatey hubkii iyo gaadiidkii ciidamada (Xog la’aan)
2) Weerarada lagu laayey saraakiishii Nisa
3) Qaraxyada lala beegsadey shacabka iyo xaruumaha dowladda siddeed [8] gobol oo dalka ah.
4) Weerarada lagu burburiyey ganacsiga Muqdisho oo uu qarixii Soobe 2022 ugu cuslaa.
5) Isku daygii dil ee Madaxweyne Qorqor
6) Isku daygi dil ee Madaxweyne Xasan Sh (Dhuusamareeb)
7) Isku daygi dil ee maadaxqeyne Xasan Shiikh ee degmada Maxaas
Shirqoolkii loo dhigey Booqashadii Madaxweynaha ee Galcad
8) Xogtii ugu culeeyd ee lala fakadey (Sarkaalkii ugu sarreeyey howlaha Nisa ee xogta Nisa iyo xogta wajiga 2aad ee dagaalka la fakadey cadowgana ula galay (Cabdisataar) taas oo fashilisay qorshihii dagaalka iyo duqeeymihii Drones-ka
9) Been abuurkii iyo weeraradii lagu sameeyey shirkadda dalka ugu weeyn Hormuud;
10) Madaxdii shirkadda Horumuud ee dalka dibaddiisa lagu xiray kadib liiska madoow la geliyay
11) Sirdoonka oo ku guuldareeystay helitaanka xogta saxiixa heshiiska Somaliland iyo Ethiopia (Xog la’aan)
12) Mashruucii dowladda lagu fashiliyay ee la baxay la dagaalanka musuqmaasuqa oo dhammaan shaqsiyaadkii la bartilmaameedsaday lagu waayay iyadoo uu bartilmaameedku ahaa, Prof. Mohamed Aden Jimcaale Koofi) si dowladda iyo bulshada la iskaga horkeeno.
WAA IMISA QARAXYADA GAADIIDKA LOO ADEEGSADAY EE MUDDADAAS KOOBAN DHACAY.
Mudadaas kooban waxaa dhulka soomaaliyeed la dhacay 173 qarax oo iskugu jira, kuwa gaadiid loo adeegsaday, qof qorax isku-soo xiray, miino jid la galiyay iyo duqeeyn hoobiye.
Tirada guud ee cadowgu gaadiid iyo nafti-haligihii waday ee is qarxiyay waa 137 gaadiid ah sidaan ayayna kala yihiin.
• 78 kamid ah waxaa lagu weeraray xeryaha ciidamada ee siddeeda gobol ee kala ah, Jubada hoose, Gedo, Bakool, Shabellada hoose, Shabeellada dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.
• 12 kamid ah waxaa lagu weeraray ciidanka Jubaland ee kala joognay Sanguuni oo saddex jeer ah, Janaay Cabdulle iyo Cabdalle Biroole.
• 24 kamid ah waxaa lagu weeraray caasimadda.
• 6 gaari waxaa lagu weeraray Beledweeyne
• 3 Gaari waxaa lagu weeraray Maxaas
• 2 gaari waxaa lagu weeraray Buuloburte (Buundada iyo masaajidka)
• 2 gaari waxaa lagu weeraray Jalalaqsi
• 1 gaari oo nuuca UD-ga loo yaqaanno ah waxaa lagu weeraray Ceel-gaal waxaana lagu dilay Jeneral Takar
• 2 Gaari Dhuusamareeb xilli uu madaxweynuhu joogay
• 1 gaari waxaa lagu weeraray Hotel Nuur Doob oo Jowhar ku yaalla
• 1 Gaari oo nuuca xamuulka qaada ah waxaa lagu weeraray madaxweynaha Galmudug.
• 2 gaari waxaa lagu weeraray Rabdhuurre
• 3 gaari waxaa lagu weeraray Yeed iyo Aato July 20, 2022 halkaas oo ay ciidamo badan oo Liyuu Boolis ah ay ku waxyeeloobeen.
1) September 29, 2022, Ceel-Qooxle
2) October 12, 2022 (Yasooman)
3) Jannaayo 05, 2023 (qarax lagu hoobtay Maxaas)
4) Janaayo 6,2023 (Hilowle-gaab)
5).Janaayo 17,2023 (Xawaadleey)
6) Feberaayo 16, 2023 (Baar Sanguuni×3)
7)Janaayo 20,2023 (Galcad)
8) Maarso 7,Janaay Cabdalle
9) Maarso 25, (Ruun-Nirgood)
10) April 19,2023 (Budbud)
11) 26 May,2023 (Buulo-Mareer)
12) May 30, 2023 (Masagawaay)
13) July 5, 2023 (Gerileey Gedo)
14) 24 Jul 2023 (Qarixii Kulyadda Jaalle Siyaad)
15) July 15, 2023 (Degmada Dayniile)
16) July 29, 2022 ( weerarkii Baydhabo ee lagu dilay wasiirkii cadaaladda ee Koonfur Galbeed)
17) August 26,2023 (Coowsweeyne)
18) Sep 5, 2023 ( Madaxweynaha ayaa Maxaas qarax lagu weeraray)
19) September 12, 2023 ( Weerarkii Awdheegle)
20) September 15, 2023 ( Ceel-Lahelay)
21) 15 Oct 2023 Weerarkii Buri-jeed
22) 24 Jan 2024, Weerarkii qasaaraha badnaa ee Caad, Mudug.
23) Weerar lugu dhamaaday ee Ceel-Bacad
24) Weerarkii Booco oo uu ku dhintay Col. Barre
25) Weerarkii Jeexjeexa ee lagu dilay (Suulnuuge).
26) Feb,21, 2023) Waxaa qaraxyo iyo weerar xigay lagu qaaday guri NISA u dhow oo lagu dabiibayay dhaawaca Macawisleeyda beesha Xawaadle
27) Weerarkii Jilib Marka ee lagu dilay Liban Golcad.
WEERARDII CAASIMADDA KA DHACAY:
• Qarixii qasaaraha badan geeystay ee Soobe
• Qarixii Villa Roosa
• Weerarkii Hotel Xayaat
• Weerarkii Elit Hotel
• Weerarkii Xero Gordan
• Weerarkii Xalane iyo Garoonka Aden Cadde
• Weerarkii Suuqa Bakaaraha.
• Weerarkii Liido ee Hotel Pearl Beach
• Weerarkii xarunta gobolka Banaadir
• Weerarkii xarunta nadaafadda gobolka
Banaadir ee Ifka Xalan.
• 4 Weerar oo degmada Dayniile ka dhacday
• 4 Weerar oo shirkadda Horumuud lagu qaaday
• Weerarkii xerada Jeneral Maslax
• Weerarkii 14 Mar 2024 oo ahaa kii sababay Xilka-qaadista Agaasimihii hore.
GEERIDA SARAAKIISHA SARSARE.
Ma doonayo inaan qoro tirada guud ee saraakiisha soomaaliyeed ee cadowgu dilay labadii sano ee la soo dhaafay,A si aanu cadowgu ugu farxin,A balse mudadii uu NISA joogay Mahad Salaad, Jeneraallada iyo korneelada cadowgu dilay waa sidan hoos ku qoran:
• Jeneral, Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) lagu dilay Basra
• Jeneral Abdullahi Maxamed Qaanso ( Lagu dilay Muqdisho)
• Jeneral Cabdullahi Waafoow ( Lagu dilay Marka)
• Gaashaanle Sare Abdirahmaan Bakaal Kooke ( Lagu dilay Gedo)
• Gaashaanle sare Cali Naasir ( Lagu dilay Mudug)
• Gaashaanle sare Cali Qaxooti ( Lagu dilay Mudug) .
• Gaashaanle sare Shaah-Macabe ( Lagu dilay Galgaduud)
• Gaashaan sare Barre, Taliyihii saadka guutada 5-aad ( lagu dilay) Booco, Hiiraan.
• Gaashaanle sare Shataqeey.
• Gaashaanle sare Imaaraat ah ( lagu dilay Banaadir)
• iyo 97 sarkaal oo lagu kala dilay inta xero ee aan weerarkooda kor ku soo xusay.
•
Sidoo kale wuxuu cadowgu dhaawacay
Wasiirkii amniga dalka Mudane Doodishe.
Marka aad intaas aqriso waa qofkiin qofka dood kasoo celin kara inuu agaasimihii hore ay taariikhdiisa u gasho agaasimihii mudada uu joogay lagu suntay agaasimihii ugu qasaaraha badnaa ee dalkeenna soo mara?
GUNAANAD:
Taariikh ahaan waligeed muddo 23 bilood ah intaan oo qarax ah dalkeenna kama dhicin muddo-xileedka agaasimihii hore hortiis markii sirdoonkeennu gaaray heerkii ugu hooseeyay heer uu madaxweynaha dalku difaaci waayay fadeexadda sirdoon ee dhacday.
Tusaale sannadkii ugu horreeyay xafiiska waxaa dalka ka dhacay 79 weerar oo gaadiid qaraxyo ah loo adeegsaday halka agaasimaha hadda xafiiska jooga sannad iyo maalmo ay guud ahaan qaraxyada dhacay yihiin 14 qarax oo ay Muqdisho oo dhan ka dheceen 4 qarax oo lagu daray mid Beledweyne ah waxeyna kala yih:
1. Top Coffee
2. Liido
3. Geel doox
4. Jaakar qarax ah oo Iskool Bolisiiya ah.
5. Beledweyne
Halka ay qaraxyada xeryaha ciidamadu yihiin 9 qarax.
Aan mar kale kuugu celiyo ma jiraa hal xaraf oo aad qoraalkan ka beenin karto ama xaqiiqada hareer marsan oo aad bulshada la wadaagi karto?
Waxaa qoray:
Ali Abdi Wardhere (Cali Yare)
Guddoomiyihii hore ee amniga Banaadir.