Muqdisho, 6-da May 2025 – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa si rasmi ah maanta uga furmay magaalada Muqdisho, iyadoo uu shir-guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirkan oo ah mid heer qaran ah ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo muhiim ah oo quseeya dardargelinta hannaanka dowlad-dhiska, amniga qaranka, doorashooyinka, iyo wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.
Waxaa la filayaa in madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir ay si qoto dheer uga doodaaan arrimaha taagan, islamarkaana ay soo saaraan war-murtiyeed mideysan.
Shirka ayaa imaanaya iyadoo dalka uu wajahayo xaalado siyaasadeed iyo amni oo muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya.

