Magaalada Gaalkacyo waxaa ka furmnay shir dib-u-heshiisiin oo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaad in muddo ah ka dhex aloosneyd beelo wada dega Galbeedka Mudug.
Shirkaan oo qabsoomiddiisa ay ka wada shaqeeyeen madaxweyneyaasha Puntland iyoi Galmudug oo horraantii todobaadkan booqasho shaqo u tagey Gaalkacyo, ayaa waxaa ka qaybgalaya odayaasha labada beelood.
Haddaba si aan wax uga ogaano waxyaabaha hortabinta leh ee laga wadahadlayo, ayaa waxaan wareysannay labo ka mid ah nadoonnada labada beelood, kuwaas oo kala ah Dhiin Sheekh Cabdi oo ka socda dhanka galmudug iyo Maxamed Cali Shaandho oo ka socda dhanka Puntland.
Nabadoon Dhiin ayaa yiri, “Muhiimadda shirka waa in xabadda la joojiyo, dhinaca Galmudug hadda kahor wey ka fushay laakiin dhinaca kale ayeysan ka fulin haddana shirku waa isla arrinkaas colaadda lagu qaboojinayo”.
“Labada madaxweyne waa ay isku yimaadeen weyna kawada hadleen arrinkaas waxa uu hadda xalku yahay in laada dhinac lakala dhex dhigo ciidamo awood badan” ayuu sii raaciyay nabadoon Dhiin Sheekh Cabdi.
Sidoo kale waxaan la hadnay Maxamed Cali Shaandho oo ah nabadoon ka socda dhanka Puntland, “Shirku waxa uu kasoo bilowday deegaan lawada deggenyahay, dagaallo aan lagu tala gelin ayaa dhacay haddana labada maamul waxa ay ku howlanyihiin in xal laga gaaro”.
“Meeshii lagu diriray hadda dhankeenna ciidamo kama joogaan ee ciidamo dhex-dhexaadin ah ayaa jooga, rajada aan qabnana waa nabad waarta”, ayuu sii raaciyay Nabadoon Maxamed Cali Shaandho