Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sharif Sheekh Axmed, ayaa war-saxaafadeed rasmi ah kasoo saaray weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan, isagoo bogaadiyay naf-hurnimada ciidamada Xoogga Dalka iyo xoogagga deegaanka ee si geesinimo leh uga hortagay weerarkaas.
Sharif Sheekh ayaa tacsi u diray halyeeyada ciidamada iyo shacabka ku dhintay weerarka, isagoo sidoo kale caafimaad u rajeeyay dhammaan dhaawacyada.