Maanta oo ay ku beegan tahay maalinta Carrafa in ka badan 1.4 milyan oo Muslimiin ah ayaa dalka Sacuudiga u jooga gudashada waajibaadka Xajka oo ah tiirka ugu weyn ee Islaamka.
Mas’uuliyiinta dowladda Sacuudiga ayaa sheegay in ay sare u qaadeen tallaabooyinka lagu sugayo ammaanka xujeyda, sanad kadib markii ay dhinteen 1,300 oo qof, kuwaas oo intooda badan ay u dhinteen kulayl.
Sacuudi Carabiya ayaa qaaday tillaabooyin isdaba joog ah oo ay kaga hortagayso kulaylka daran ee xilliga xajka.
Waxaa ka mid ah;
1. Ku dhawaad kun oo geed ayaa la beeray .
2. Waxay rakibeen boqollaal qaboojiyeyaal si ay uga caawiyaan hoos u dhigida heerkulka aadka u daran ee halkaas.
3.Waxay kaloo mamnuuceen carruurta ka yar 12 .
4. Ganaax lacageed oo dhan $5,000 iyo ganaax 10 sano ah oo lagu soo rogayo dadka isku daya in ay si sharci darro ah ku xajiyaan fasax rasmi ah.
Ilaa Axadii, saraakiishu waxay sheegeen inay ka joojiyeen in ka badan 269,000 oo qof inay soo galaan Maka.

