Muqdisho, Soomaaliya – Juun 4, 2025 – Dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Britain, Sweden iyo qaar kale, ayaa si toos ah fariin qoraal iyo wicitaan isugu jirta ugu diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo muujiyay walaac xooggan oo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagan.
Sida ay ilo diblomaasiyadeed sheegayaan, dowladahani waxay dhaliil u jeediyeen kulan uu madaxweynuhu la yeeshay hoggaan ka tirsan ururro siyaasadeed oo gaar ah, kuwaas oo loo arko inay yihiin taageerayaal u badan xukuumaddiisa. Saaxiibada caalamka ayaa ku tilmaamay kulankaasi mid aan loo dhameyn oo wakhti lumis ah, waxayna ugu baaqeen Madaxweynaha inuu si toos ah u casuumo hoggaanka Jubbaland iyo Puntland, iyo sidoo kale siyaasiyiinta kasoo jeeda ururka Samatabixinta Qaranka.
Ururrada uu la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa lagu tilmaamay kuwo aan ka tarjumin saamileyda siyaasadeed ee waaweyn ee dalka, taasoo keentay in la shaki geliyo daahfurnaanta iyo wax-ku-oolnimada dadaallada lagu xallinayo ismari-waaga siyaasadeed.
Arrintan ayaa muujinaysa in ay jirto walaac sii kordhaya oo beesha caalamka ah ka qabto hab-dhaqanka dowladda ee la xiriira wadahadallada siyaasadeed iyo dib u heshiisiinta qaran.

