Raila Odinga, Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Kenya, oo Ku Geeriyooday Hindiya

0
5

Raila Amolo Odinga, oo ahaa hogaamiyaha ugu weyn ee mucaaradka Kenya isla markaana soo noqday Ra’iisul Wasaare dalkaas ah intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2013, ayaa geeriyooday isagoo 80 sano jir ah.

Wuxuu ku geeriyooday magaalada Kochi ee dalka Hindiya halkaas oo uu ku jiray daaweyn caafimaad, gaar ahaan xanuun dhanka wadnaha ah, sida ay xaqiijiyeen qoyskiisu.

Odinga wuxuu  dhashtay 1945 wuxuuna xildhibaan ka ahaa deegaanka Langata laga bilaabo 1992 ilaa 2013. Intii u dambeysay wuxuu ahaa hogaamiyaha mucaaradka Kenya laga bilaabo 2013.

Inkasta oo doorashooyin dhowr ah uu ka qayb galay haddana mar walba wuu ku guuldareystay qabashada xilka madaxweynenimo. Si kastaba, wuxuu noqday Ra’iisul Wasaare kadib markii uu kasoo horjeestay natiijadii doorashada 2007, taas oo ugu dambeyn keentay heshiis siyaasadeed.

Odinga waxaa si weyn loogu xasuustaa heshiiskii taariikhiga ahaa ee uu la galay Madaxweynihii hore Uhuru Kenyatta sanaddii 2018, kaas oo loo yaqaanay “Gacmo-isku-qabsi” (Handshake), una horseeday dalka Kenya xasilooni siyaasadeed iyo dib u heshiisiin.

Sidoo kale, sanadkii hore wuxuu u tartamay xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika (AU), balse wuu ku guuldareystay doorashadaas.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here