Site icon rnnsomalitv

Qarax xooggan oo goordhaw ka dhacay degmada Baraawe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax xooggan oo goordhaweyd lala eegtay Gaari NOHA ah oo siday (Qaad ama jaad) wuxuuna ka dhacay duleedka magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Goob joogayaal ku sugan halka ay wax ka dhaceen ayaa sheegayn in Qaraxu uu ahaa mid xooggan, waxaana jugtiisa laga Maqlay Xaafadaha ku teedsan halka uu marayay Gaariga siday qaadka.

Wali ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa, balse dadka degaanka ayaa soo sheegaya inuu jiro khasaaro hayeeshe aysan ogeyn halka uu gaarsiisan yahay.

Weli laamaha amniga ee degmada degmada Baraawe, kama aysan hadlin qaraxa iyo khasaaraha ka dhashay.

Exit mobile version