Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Muqdishu, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac geystay.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa kaasi oo lagu dhuftay dhismaha Guriga Hooyooyinka ee degmada Xamarweyne.
Goobta qaraxu ka dhacay waxaa ku yaallay maqaayado laga cunteeyo iyo meel ay haween ku iibiyaan jaadka.
inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay 2 ruux halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen, sida ay dad goob jogayaal ah ay u shegeen warbaahinta Rnn somali Tv.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxa, waxa uuna ku soo aadaya xili xalay saqdii dhexe ay dagaalyahano katirsan Kooxda ‘AS’, ay weerar ku qaddeen farriisimo ciidanka dowladda ay ku lee yihiin barta kala qeybiisa degmooyinka Kaxda iyo Dharkenley ee Gobolka Banaadir.