Site icon rnnsomalitv

Puntland oo Saldhig labaad ka sameysanaysa Degmada Laasqoray.

Dawladda Puntland ayaa ku daabulaysa magaalo xeebeedka Laasqoray ee gobolka Sanaag ciidamada badda Puntland ee PMPF si ay halkaas uga samaystaan saldhig cusub .

Wararka ayaa sheegaya in saldhiga labaad ee ugu weyn ee PMPF laga dhisayo degmada Laasqoray, marka laga reebo kan Boosaaso , midaas oo in la gabaabulo howlgallada ka dhanka ah Al Shabab iyo Daacish.

Gobolka Sanaag oo maamul ahaan uu sheeganayo Maamul Goboleedka Puntland, ayaa waxaa sidoo kale sheega Maamulka Waqooyi Bari ee dhawaan doowlad feederalka ku dhawaaqde, kaasi oo aan weli wax jawaab ah ka bixin qorshaha ciidamada PMPF lagu geynayo Laasqoray.

Talaabadan ayaa kusoo beegmeysa xili dowlada Puntland ay isku diyaarineyso howlgalka loogu magacdaray ONKOD oo lagu ciribtirayo maleeshiyaadka argagixisada ah ee Al-Shabaab, kuwaas oo ciidamada Puntland ay ka wadaan buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag.

Exit mobile version