Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya ee ONLF ayaa ku eedaysay dowladda Itoobiya in ay ku xad-gudubtay xuquuqaha dastuuriga ah ee Soomaalida ku nool deegaanka Soomaalida.
Sidoo kale, waxa ay sheegtay in Itoobiya ay jebisay heshiiskii nabadeed ee ay labada dhinac kala saxiixdeen sannadkii 2018-kii taasi oo keentay in kooxdu ay ku dhawaaqdo in ay ku raadinayso damaceeda siyaasadeed si nabad ah.
Sikastaba maalmo ka hor ayey sidaan oo kale Jabhada ONLF, waxa ay Eedeyn u jeedisay dowladda Itoobiya,balse wali wax war ah kasoo bixin Itoobiya oo ay kaga hadleyso arrimaha lagu edeeyay.