rnnsomalitv

NISA oo qabtay Nin hubeysan oo dil u geysan rabay Ganacsade Suuqa…

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ciidanka NISA, ay ka sameyeen gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho,kaasi oo ay ciidanka ku soo qabtay nin katirsan Kooxda Al-shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay Hay’adda Nabad sugida, ayaa lagu sheegay in Ninka la qabtay uu doonayay inuu dilo u geystay ganacsade ku sugnaa Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta oo doonayay inuu fal amni darro ah ka geysto suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.”ayuu lagu yiri war-saxafeed kasoo baxay.
Sidoo kale waxa ay NISA, sheegtay in Shaqsiga la qabtay  in uu ka mid ahaa Shabakad dilal ka geysatay magaalada Muqdisho oo ciidamada ammaanka ay ku daba jireen,isla markaana gacanta ku soo dhigeen.
Dhinaca kale muqaal ay duubtay camerada CCTV, ayaa muujineysay in nin hubeysan ee katirsan Kooxda Al-shabaab, uu isku dayay inuu rasaas bilaabo balse ay ciidanka oo aad u feejignaa ay ka hortageen.
Sikastaba arrintan ayaa ku soo adeysa, xili maalintii labaad uu xiran yahay suuq ku yaalla Degmada Hiliwaa ee Muqdisho, kaddib markii ay cabsi soo wajahday ganacsatada kooxda Al-shabaab,iyada oo ay xusida mudan tahay in maalmo ka hor dilal qorsheysan Muqdisho loogu gestay ganacsato goobahooda ganacsiga ku sugnaa.
464914529_1054392696727336_6749980162463981005_n.jpg?stp=dst-jpg_s600x600&_nc_cat=106&ccb=1-7&_nc_sid=127cfc&_nc_ohc=9Drnh4ILtlEQ7kNvgFevrPA&_nc_zt=23&_nc_ht=scontent.fmgq1-2 NISA oo qabtay Nin hubeysan oo dil u geysan rabay Ganacsade Suuqa...
Exit mobile version