Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo ay Khamiistii ka fuliyeen deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan ku beegsaday guri ay xubno ka tirsan kooxda Al Shabab kaga arrinsanayeen qorsheyaal ay doonayeen in ay ku waxyeelleeyaan dadka deegaanka.
Howlgalkaas waxaa lagu dilay siddeed xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad.