Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka NISA ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Cumar Beere ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana howlgalka lagu dilay shan xubnood oo ka tirsan Al Shabab , iyada oo la burburiyay fariisimo ay kooxdu halkaasi ka sameysatay.
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa kor u qaaday howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta, isla markaana looga hortagayo dhagarta ay u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.