NISA oo dabagal iyo baaris ku haysaa hantida iyo dhaq-dhaqaaqyada maaliyadeed ee Al Shabab.

0
38
Muqdisho, Luuliyo 20, 2025: Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), waxa ay dabagal iyo baaris ku haysaa hantida iyo dhaq-dhaqaaqyada maaliyadeed ee Al Shabab, waxa ayna si gaar ah isha ugu haysaa uruurinta Baadda ay Khawaarijtu ugu yeerto Zakawaadka.
Sidaas darteed, ganacsatada iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed, waxaa looga digayaa in ay qayb ka noqdaan ama ay ku lug yeeshaan arrinkaas.
Qof kasta oo bixiya Baadda ay Khawaarijtu ugu yeerto Zakawaadka, waxa uu ku dhacayaa dembiyada maalgelinta Argagixisada ee ku xusan shuruucda dalka, iyo xeerarka caalamiga ah ee khuseeya ka-hortagga iyo la-dagaalanka maalgelinta Al Shabab. Haddaba, ciddii lagu helo bixinta Baadda Argagixisada, waxaa laga qaadayaa tallaabo deg-deg ah oo waafaqsan shuruucda dalka iyo go’aannada maamul ee khuseeya.
Ganacsade/muwaadin, waxaa lagu xasuusinayaa in Hay’adaha amniga ee ay khusayso aad la soo wadaagto wax kasta oo la xiriira Baadda ay Khawaarijtu qaaddo iyo culays kasta ee aad Argagixisada kala kulantid.
GwTMc11WwAE_9qn-212x300 NISA oo dabagal iyo baaris ku haysaa hantida iyo dhaq-dhaqaaqyada maaliyadeed ee Al Shabab.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here