NISA oo 11 ”AS” Ku dishay howlgallo qorsheysan,Sh. Dhexe iyo Galgaduud.

0
122
 Muqdisho, Agoosto 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay ilaa 11 Al Shabab ah oo uu ku jiro horjooge sare, isla markaana lagu burburiyay gaadiid iyo saanad ciidan, ka fuliyay gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.
Howlgalka koowaad oo dhacay 12-kii Agoosto, ayaa lagu beegsaday guri ku yaalla deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan, halkaas oo uu shir uga socday horjoogayaal iyo xubno la shaqeynayay Al Shabab.
Howlgalkan waxaa lagu dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Al Shabab, iyada oo la burburiyay goobtii ay ku shirayeen.
Sidoo kale, 13-ka Agoosto howlgal kale oo laga fuliyay deegaanka Daarul-nimca ee gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa looga hortagay maleeshiyaad qorsheynayay weerar ka dhan ah ciidamada difaaca shacabka kaddib markii la helay xogtooda, waxaana halkaas lagu dilay afar xubnood uu ku jiro horjooge Cabdullaahi Ganeey oo ilaa sanadkii 2009, door weyn ku lahaa hogaaminta dagaallada kooxda Al Shabab ah.
Howlgalka saddexaad oo 14-ka Agoosto ka dhacay deegaanka Nooleeye ee gobolka Galgaduud, ayaa lagu burburiyay gaari Cabdi Bile ah oo ay Al Shabab si xad-dhaaf ah ugu soo rareen saanad ciidan, kaas oo ay u wadeen maleeshiyaad qorsheynayay in ay carqaladeeyaan amniga degmada Ceeldheer, Ciidanka NISA ayaana ku guuleystay in guud ahaan la gubo gaarigii iyo saanaddii uu siday taas oo fashilisay dhagartii argagixisada. 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here