Site icon rnnsomalitv

MW Muuse Biixi oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidamada AFRICOM

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Safiirka Dalka Maraykanka Amb. Richard H. Riley oo uu wehelinaayo Taliyaha Taliska Ciidammada Maraykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM), Major General Brian Cashman, masuuliyiin kale iyo Saraakiil ciidan oo ka tirsan Dawladda Maraykanka.

Madaxweynuhu ayaa ugu horeyn waxa uu u mahadceliyay mahadnaqay xubnaha wefdiga Mareykanka iskaashiga iyo wada wadashaqeynta ee Amniga geeska Afrika iyo arrimaha Militriga ee Somaliland iyo Maraykanka. Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu xusay in booqashada weftigani ay xoojinayso xidhiidhka mustaqbal ee labada dhinac.

Safriika Mareykanka Amb.Richard H. Riley iyo wefdigiisa ayaa soo dhaweeyay hadalka Madaxweynaha Somaliland, waxa ayna si wadajir ah arrintaasi ugua wadashaqeynayaan, waxaana Safiirka Richard uu cadeeyay inay ka go,an tahay iskaashiga dhinacyada amniga ee geeska Afrika.

“Sidoo kale, waxa ay madaxweynaha Somaliland ku bogaadiyeen doorka uu ka qaatay horumarka dalka, arrimaha dimuquraadiyada, doorashooyinka isku isku sidkan, adkaynta xidhiidhka labada dal ka dhexeeya iyo bisaylka siyaasadeed ee ka hana-qaaday dal aan weli ka mid noqon beesha Caalamka haseyeeshee buuxiyey dhammaan shuruudihii looga baahna. Iyagoo si gaara u bogaadoyey Madaxweynaha ee aqbalay natiijadii guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranku ay ku dhawaaqeen.” Ayaa lagu yiri qoraalka soo baxay Madaxtooyada.

Sikastaba, Mareykanka ayaa wararka qaar ay shegayaan inuu qorsheynayo inuu saldhig milatari ka sameysto Magaalada Berbera ee Somaliland.

 

 

Exit mobile version