MW Hassan oo hambalyo u diray Madaxweynaha iyo kuxigeen cusub Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

0
43

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali iyo Madaxweyne Kuxigeen Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo maanta loo doortay hoggaaminta Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

”Hambalyo Madaxweynaha la doortay ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya iyo Kuxigenkiisa. Waxan u rajeynayaa Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali iyo Kuxigeenkiisa Cabdirishiid Yuusuf Jibriil in uu ka yeelo hoggaan mideeya bulshada Waqooyi Bari, kana shaqeeya midnimada iyo horumarka.” siida u kuqoor bartisa X.

Mudane Cabdikadir Aw-Cali Firdhiye iyo Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa xoggamina doona maamulka Waqooyi Bari shanta sano ee soo socota, kaddib markii ay ku guleysten doorashada manta kadacde magalada Lascaanod.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here