Musharax Cabdirashiid Yuusuf Jabriil (Abwaan) oo loo doortay Madaxweyne ku xigeenka Waqooyi Bari Soomaaliya.

0
30

Cabdirashiid Yuusuf Jabriil (Abwaan) oo loo doortay Madaxweyne ku xigeenka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Doorashada madaxweyne ku xigeenka maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa waxaa ku guuleystay Cabdirashiid Yuusuf Jabriil (Abwaan), sida uu sheegay guddoomiye Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo ku dhawaaqay natiijada.

Mudane C/rashiid Yuusuf Jabriil (Abwaan) ayaa helay 65 cod, kaddib markii lagu doortay cod gacan taag ah, kaddib markii ay goobta ka maqnaayeen afartii murashax ee kale.

Waxa uu horay u soo noqday guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, waxaana uu qeyb ka ahaa dhismihii maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya bilihii lasoo dhaafay.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here