Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubaland ayaa lagu wadaa in maalmaha 17-ka ilaa 20-ka bishan uu ka qabsoomo shir siyaasadeed oo ay isugu imaanayaan madaxda mucaaradka iyo hoggaanka maamullada Jubaland iyo Puntland. Shirkan ayaa imanaya xilli dalka uu wajahayo xaalad siyaasadeed oo cakiran, gaar ahaan muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka.
Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, shirka waxaa ka qeyb geli doona madaxda Madasha Samatixinta Soomaaliyeed iyo Madaxweyneyaasha Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo la filayo inay ka wada hadlaan jihada siyaasadeed ee dalka, xal u helidda is-mariwaaga doorashooyinka, iyo sidii loo gaari lahaa is-afgarad qaran oo looga gudbo hubanti la’aanta taagan.
Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli muddo xileedka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu ka harsan yahay wax ka yar shan bilood, halka aan weli la isku raacin nuuca iyo habraaca doorashada ee dalka laga qaban doono. Arrintan ayaa walaac ku abuurtay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo hoggaanka siyaasadda, kuwaas oo ka baqaya dib u dhac iyo khilaaf siyaasadeed oo hor leh.
Ka qeyb-galayaasha shirka Kismaayo ayaa la filayaa inay soo saaraan go’aanno iyo warmurtiyeed la xiriira mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan mowqif mideysan oo ku aaddan doorashooyinka iyo wada-shaqeynta dowladda federaalka. Shirkan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah dadaallada lagu doonayo in lagu helo xal siyaasadeed oo waara, isla markaana lagu xaqiijiyo kala-guur nabadeed.

