Site icon rnnsomalitv

Maxkamadda Ciidamada oo Xukunno Ku Riday Eedeysanayaal Lagu Helay La Shaqeyn Ururka Al-Shabaab

Screenshot

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukunno adag ku riday laba eedeysane oo lagu helay inay la shaqeynayeen kooxda Al-Shabaab, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad, G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Eedeysanaha koowaad, Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud Daqare, ayaa lagu xukumay xabsi daa’in, kaddib markii lagu helay dambiyo la xiriira xiriir joogto ah oo uu la lahaa kooxda argagixisada ah.

Eedeysanaha labaad, Cabdi Xakiin Axmed Diini Cawaale (loogu yeero Wadne), ayaa isna lagu xukumay afar sano oo xabsi ah, iyadoo lagu eedeeyay inuu si dadban ula shaqeynayay kooxda, islamarkaana uu fududeeyay howlgaladooda.

Guddoomiye Shuute ayaa tilmaamay in xukunka lagu saleyay cadeymo buuxa iyo baaritaanno ay sameeyeen hay’adaha ammaanka, kuwaas oo muujiyay in labadan eedeysane ay khatar ku ahaayeen nabadgelyada qaranka.

Xukunka maanta dhacay ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku doonayso in lagu ciribtiro xiriirka gudaha dalka uu ururka Al-Shabaab la leeyahay, iyo sidii dadka ka qeyb qaata falalka argagixisada ah loosoo taagi lahaa caddaaladda.

Exit mobile version