Sunday, February 23, 2025
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYMaxey yihiin Gadiidka ay Ciidamada Itoobiya soo geliyeen Gobolka Bakool ?

Maxey yihiin Gadiidka ay Ciidamada Itoobiya soo geliyeen Gobolka Bakool ?

Wararka anu ka heleyno Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur galbeed ayaa sheegaya in ilaa iyo afar gaari oo nuuca xamuulka ah islamarkaana kayimid dhinaca itoobiya ay shalay soo gareen degmada quracjoome ee gobolka bakool.

Gaadiidkan oo shareecnaa ayaa markii ay soo galeen magaalada waxaa lageeyay xero miilatari oo ay ciidanka itoobiya kuleeyihiin duleedka degmada quracjoome halkaas oo ay ilaa hada kusuganyihiin.

Majirto cid si sax ah u sheegi karta waxa saaran gaadiidkan oo xogtoodu aad u xadidantahay marka laga reebo in saraakiil kamid ah ciidanka itoobiya ee kusugan quracjoome laga soo xigtay in gaadiidkan ay wadaan ceel riig ah iyo qalab kale kuwaas oo u socda magaalada xudur balse dadka deegaanka ayaa warkaas galiyay su,aal ah sababta xilligan itoobiya ku kalifeysa ineey ceel riig ah kaqodo xudur qalabkiisana soo mariso quracjoome.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya gaadiidkan oo sida laxaqiijiyay bartamihii bishan dhamaatay ee sebtember kusugnaa magaalada godeey ee dowlad deegaanka soomaalida halkaas oo ay kadib ugu soo gudbeen quracjoome, wararka ugu xoogan ee hada soo baxaya ayaana ah in gaadiidkan ay sidaan hub kala duwan oo ay itoobiya u rabto maamulka goonfurgalbeed.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments