Maxey kawada hadleyn Duqa Muqdisho iyo danjiraha Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya ?

0
177

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Bin Axmed Almuwallad, iyaga oo kawada hadlay xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac.

Kulankan oo uu goob joog ka ahaa Gudoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa looga hadlay qodobo ay kamid sidii loo dardargalin lahaa taageerada mashaariicda lagu horumarinayo Caasimadda, Shaqa abuurka dhallinyarada, hirgalinta xarumaha farsamada gacanta iyo dib u cusbooneysiinta heshiis-yadii horey loo galay ee la xariiray iskaashiga iyo wax is dhaafsiga ee Muqdisho iyo Magaalooyinka Sacuudi Carabiya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudi Carabiya door keeda muuqda ee ku aadan garab istaaga Dowladda Soomaaliya iyo taageerada mashaariicda horumariineed ee Muqdisho.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here