Maxaay Ka hadleyn Golaha wasiirada ee Soomaaliya shirka Manta ?.

0
53

Muqdisho, Khamiis, 14 Agoosto 2025: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Shirkadaha Shaqo-siinta gaarka ah iyo Hindise Sharciyeedka Macdanta.

Shuruucdan ay goluhu ansixiyeen, ayaa qeyb ka qaadanaya horumarinta dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa looga hadlay amniga dalka iyo dardargelinta howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Al Shabab ah ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka, iyada oo goluhu uu bogaadiyey guulaha ay ciidanku ka gaareen dagaalka Al Shabab looga sifeynayo dalka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here