Maxaa xilka looga qaadayaa madaxweyne ku xigeenka Kenya ?

0
33

Xildhibaannada Kenya ayaa bilaabay hannaan xilka looga qaadayo madaxweyne ku xigeenka dalka.

Waxay Rigathi Gachagua ku eedeynayaan inuu door ku leeyahay dibadbaxyadii rabshadaha watay ee ka dhacay Kenya saddex bilood kahor, inuu ku lug leeyahay musuqmaasuq, inuu dowladda yasay isla markaana uu u ololeynayay kala qeybin siyaasadeed oo qabaa’illada dhexdooda ah.

Waxay sidoo kale daba socotaa isku dhac weyn oo soo kala dhex galay madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa. Mooshinka xil ka qaadista ayaa la filayaa inuu si fudud uga gudbo labada aqal ee baarlamaanka, kadib markii mucaaradkii ugu weynaa ay ku biireen xisbiga Ruto kadib dibadbaxyadii dhowaan.

Booliiska ayaa sidoo kale xildhibaannada xulafada la ah madaxweyne ku xigeenka ku eedeeyay inay maalgeliyeen ayna soo abaabuleen burcad si ay u dhacaan ayna rabshad u sababaan xilligii ay socdeen dibadbaxyadii canshuurta looga soo horjeeday ee dhacay bishii June. Rigathi Gachagua ayaa si kastaba difaacay xildhibaannadaas wuxuuna sheegay in eedeymaha looga gol leeyahay in magaciisa lagu ceebeeyo taageerayaashiisana lagu dacweeyo inay ku lug leeyihiin xil ka tuurista dowladda.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa bishii May waxay ballan qaadeen xoojinta xiriirka labada dal iyo dhaqaalaha ganacsiga iyo maalgashiga.

Kadib kulan xilligaas dhex maray madaxweyne ku xigeenka Rigathi Gachagua iyo raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, waxay labada dal sidoo kale ka wada hadleen in si wada jir ah wax looga qabto burcadda iyo in lala yimaado dhaqan ganacsi la joogteyn karo oo labada dhinac faa’iido u leh.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here