Allaha u raxmadee Jen. Maxamad Ibraahim Faarax (Gordon), Taliyihii Guutada 5aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, ayuu ahaa, wuxuu horay tababaro sare ugu soo qaatay Mareykanka ilaa Midowgii Soofiyeet, dagaaladii 1977-kii ayuu qeyb ka qaatay oo Halgan mudo dheer kujiray.
Jen. Gordon ayaa 29-kii bishii October ee sanadkii 2012 ku dhintay weerar ay Argaguxisadu ka geysteen deegaanka Buufow ee duleedka Magaalada Marka, waana laba bilood uun ka dib markii Argagixisada laga saaray Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose ee Magaalada Marka.
Allaha u naxariistee General Gordon ayaa laf dhabar u ahaa hawlgalkii militari ee bishii August ee sanadkaasi maleeshiyada Argagixisada looga la wareegay gacan ku haynta magaalada Muqdisho ilaa Marka.
In magaciisa laga tiro xero ciidan Soomaaliyeed, oo lagu bedelo Korneyl Carbeed oo aan maalin dalkaan u dhib mudan, waa nasiibdarro muujinaysa hoggaaminta Soomaalida iyo habfikirkooda, waana is diido muujinaysa in daneysigu ka weyn yahay wiilasha iyo Jeneraalada Soomaaliyeed ee naftooda huraya.
Madaxweyne Xassan Sheikh ayaa xeradii Gen, Gordan magacii Jeneraalka Soomaaliyeed ka tiray, isagoo amray in loo bixiyo magaca Korneyl Shisheeye Imaaraati ah.
Waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Maadaxweyne Xassan Sheikh uu todobaadkan usocda Imaaraatka Carabta, isagoo dhinaca Abu Dhabi u gudbinaya in uu sarkaalkoodii lagu dilay Muqdisho xero ugu magacdaray.
