Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda mudane Axmed Siciid Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga dalka Jarmalka iska markaana uu wehlinayo Safiir kuxigeenka JFS ee dalka Jarmalka ayaa la kulmay madaxda Wasaaradda Arrimaha Guddaha ee dalkaas, iyagoo kala hadlay muhiimada ay leedahay aqoonsiga baasaboorka Soomaaliya iyo wadashaqaynta horumarinta xiriiirka labadda dal ee dhinaca socdaalka.
Sidoo kale, Agaasimaha Guud iyo Wafdigiisa ayaa kulamo la qaatay Madaxda Booliiska Dowlada Jarmalka iyagoo booqasho ku tagay Garoonka Caalamiga ah Berlin Brandenburg waxana ay u kuur galeen habka iyo nidaamka shaqo oo ay dowlada Jarmalka u ilaaliso socdaalka iyo Maareynta soo galootiga.
Madaxda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa xoojinaya iskaashiga iyo xiriirka kala dhaxeya dowlada Jarmalka waxana ay qayb ka tahay dedaalka lagu dar dargelinayo xiriirka caalamiga ah si adduunka aan ula jaan qaadno dhanka horumarinta baasaboorka iyo wadaagida khibrada iyo iskaashiga horumarinta Arrimaha Socdaalka.

