Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta si rasmi ah ugala wareegay Safiir ku-xigeenka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Mr. Steven Gillen, gaadiid casri ah oo loogu talagalay la-dagaallanka argagixisada.
Gaadiidkan oo qeyb ka ah taageerada joogtada ah ee Dowladda Mareykanka siiso Soomaaliya, gaar ahaan waaxda Booliiska, ayaa waxaa si gaar ah loogu talagalay ciidamada gaarka ah ee Booliiska Soomaaliyeed ee u xilsaaran dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Taliska Booliiska ayaa lagu soo bandhigay gaadiidka la wareegay, waxaana Taliye Asad Cismaan halkaas ka jeediyay hadal uu uga mahadcelinayo Dowladda Mareykanka, isaga oo xusay in taageeradan ay muhiim u tahay horumarinta awoodda ciidamada amniga.
“Waxaan uga mahadcelinaynaa Dowladda Mareykanka taageerada joogtada ah iyo garab istaagga ay noo muujiyeen. Gaadiidkan waxaa adeegsan doona unugyada gaarka ah ee la dagaallanka argagixisada ee hoos yimaada Ciidanka Booliiska,” ayuu yiri Taliyaha.
Safiir ku xigeenka Mareykanka, Mr. Steven Gillen, ayaa isna sheegay in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, isagoo caddeeyay in nabadda, xasilloonida iyo la-dagaallanka khatarta argagixisadu ay ka mid yihiin mabaadi’da iskaashi ee labada dal.
Tani waxay qeyb ka tahay dadaallada Mareykanka uu ku xoojinayo awoodda ciidamada amniga Soomaaliya, si ay u gutaan waajibaadkooda ku aaddan sugidda amniga iyo la-dagaallanka kooxaha nabad-diidka ah ee caqabad ku ah horumarka dalka.

