Site icon rnnsomalitv

MAGACYADA XUBNAHA GUDDIGA TACLIINTA SARE EE QARANKA OO AY ANSIXIYEEN GOLAHA WASIIRADA

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyey xubnaha cusub ee Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka, kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Guddigan oo ka kooban 15 xubnood ayaa loo xilsaaray hagidda, dib-u-habaynta, iyo horumarinta siyaasadda tacliinta sare ee dalka. Xubnahan cusub waxaa laga soo xulay khubaro aqoon sare u leh arrimaha waxbarashada iyo horumarinta jaamacadaha.

Magacyada xubnaha guddiga waa sida hoos ku qoran:

1. Dr. Cabdinuur Maxamud – Guddoomiyaha Guddiga

2. Dr. Maxamed Cali Faarax – Guddoomiye Ku-xigeenka

3. Dr. Ayaan Sh. Cabdullaahi Maxamed – Xubin

4. Dr. Axmed Adam Maxamed – Xubin

5. Dr. Roble Ibrahim Liban – Xubin

6. Dr. Cabdulqaadir Cabdulle Cibaar – Xubin

7. Dr. Cabdishakuur Sh. Xasan (Fiqi) – Xubin

8. Dr. Cabdullaahi Maxamuud Shariif – Xubin

9. Dr. Cabdiwahab Ali Mumin – Xubin

10. Dr. Cismaan Maxamed Cabdiraxman – Xubin

11. Dr. Faysal Cabdiraxmaan Cabdullaahi – Xubin

12. Dr. Maxamed Macallin Abdullahi Kutub – Xubin

13. Dr. Maxamad Ibraahim Nuur – Xubin

14. Dr. Maxamuud Yusuf Garre – Xubin

15. Dr. Nadiifa Sheekh Cumar – Xubin

Guddigan ayaa noqon doona hay’adda hoggaamineysa siyaasadda tacliinta sare ee Soomaaliya, iyagoo la shaqeyn doona wasaaradda waxbarashada iyo jaamacadaha si loo helo nidaam tacliineed oo tayo leh, waafaqsanna baahiyaha dalka.

Exit mobile version