Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag u dhaliilay hannaanka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u wajahayo Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu ku dhawaaqay 1-da bishii Juun.
Farmaajo ayaa sheegay in hannaanka loo diyaariyey gogosha, cidda lagu casuumay iyo ajandaha la shaaciyey ay dhamaantood muujinayaan in Madaxweyne Xasan uu weli ka leexanayo in si dhab ah loo wajaho khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka taagan, gaar ahaan kuwa la xiriira arrimaha masiiriga ah sida dastuurka iyo doorashooyinka.
Wuxuu carabka ku adkeeyay in arrimaha taabanaya masiirka shacabka iyo dowladnimada Soomaaliya aysan ahayn kuwo hal dhinac go’aan ka gaari karo, balse ay tahay in lagu wajaho wadatashi qaran oo ay ka qaybqaataan Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada, si loo ilaaliyo midnimada dalka iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.
Farmaajo wuxuu eedeeyay Madaxweynaha hadda talada haya, isagoo sheegay in Madaxweyne Xasan uu u jihaystay waddo halis ku ah xasilloonida siyaasadeed ee dalka, taasoo muuqata marka la eego sida casuumaadda gogosha loo maamulay, oo aan laga dareemin wax ka qabashada qodobbada salka u ah khilaafka, sida wax-ka-beddelka dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka. Waxa uu sheegay in uu jiro qorshe cusub oo sharci darro ah oo lagu wax ka beddelayo 11 cutub oo ka mid ah dastuurka ee hore loogu heshiiyey.
Farmaajo sidoo kale wuxuu cambaareeyay fulinta hannaan doorasho oo aan lagu heshiin, oo lagu salaynayo sharciyo iyo guddi uu Madaxweyne Xasan si gaar ah u sameystay. Waxa uu xusay in muwaadiniinta Soomaaliyeed lagu qasbayo is-diiwaangelin khasab ah, taasoo lagu tilmaamay mid ku xadgudbeysa xuquuqda aas-aasiga ah ee muwaadinka.
Ugu dambeyntii, Farmaajo wuxuu mar kale ugu baaqay Madaxweyne Xasan in uu si dhab ah u wajaho xaaladda siyaasadeed ee dalka, isla markaana uu ku laabto dastuurkii lagu heshiiyay ee lagu doortay. Waxa uu sheegay in gogosha wadatashiga iyo go’aanada masiiriga ah ay noqdaan kuwo loo dhan yahay, oo ay si buuxda uga qaybqaataan Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada.

