Site icon rnnsomalitv

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: “Shaqaalaha Soomaaliyeed waa astaan u ah hawlkarnimo, hufnaan iyo dhabar-adayg”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka oo ku beegan 1-da May sanad kasta.

Qoraal ka soo baxay xafiiskiisa ayuu Madaxweynaha ku yiri:

“Waxaan shaqaalaha Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka. Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa ay ku suntan yihiin hawlkarnimo, hufnaan iyo dhabar-adayg. Waxaan si gaar ah ugu amaanayaa kaalinta muhiimka ah ee ay maanta ka qaadanayaan halganka dib-u-dhiska dowladnimada iyo horumarinta dalka.”

Exit mobile version