Qaahira, Luulyo 07, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay qasriga Al-calamayn, dhiggiisa Jamhuuriyadda Carabeed ee Masar Mudane Cabdifataax Al-Sisi.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo arrimaha istaraatiijiga ah ee labada dal iyagoo si qotodheer iskula soo qaaday dardargalinta isku xirka labada shacab, waxa uuna Madaxweyne Al-siisi sheegay in ay dhawaan dib uga furan doonaan magaalada Muqdisho xarun Safaaradeed oo muujin doonto mudnaanta ay siinayaan xiriirka iskaashi ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay doorka firfircoon ee Masar ka qaadaneyso taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, diblumaasiyadda, waxbarashada, caafimaadka iyo iskaashiga milatari, waxa ayna isla qaateen Labada Dowladood in la dardargeliyo fulinta heshiiskii iskaashi ee ay wada saxiixdeen Agoosto 2024.
Dhankiisa, Madaxweynaha Masar ayaa muujiyay taageerada joogtada ah ee dalkiisu u hayo shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka argagixisada, waxa uuna Madaxweyne Al-siisi bogaadiyey dadaallada Dowladda Federaalka ee xoojinta midnimada, amniga, iyo horumarka dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee ay la leedahay Dowladda Masar, isagoo uga mahadceliyay martiqaadka diirran ee ay kuu qaabileen wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed.