Muqdisho, May 9, 2025 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qaybgalay salaadda Janaasada ee Marxuum Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa salaadda Janaasada kaddib tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumku. “Alle ha u naxariistee, Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax, waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa. Samir iyo iimaan Allaha ka siiyo dhammaan qoyska, ehelka iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha waxaa tukashada Salaadda Janaasada ku wehelinayay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, iyadoo sidoo kale ay kasoo qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka – Xukuumadda iyo Baarlamaanka.

