Site icon rnnsomalitv

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Hadlay Ballan-qaadyadii Musharrixiinta iyo Diidmada Dastuurka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si kulul uga hadlay mowqifka qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee hadda kasoo horjeeda dhammeystirka dastuurka kumeelgaarka ah ee dalka. Madaxweynaha oo ka hadlayay xaflad siyaasadeed ayaa sheegay in musharraxiintii la tartamay doorashadii madaxweynaha ay si cad u ballan qaadeen in dastuurka la dhammeystiro haddii ay talada qabtaan.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku xoojiyay in muuqaal laga duubay dhammaan musharrixiintaas ay caddayn u tahay ballan-qaadkooda. Wuxuu si cad u tilmaamay in ay tahay arrin layaab leh in isla siyaasiyiintii ballan qaaday in dastuurka la dhameystiro, maanta ay yihiin kuwa ugu cadcad ee kasoo horjeeda arrintaas.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay dalka ka jiraan dooddo xoogan oo ku saabsan habraaca dhammeystirka dastuurka, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo axsaabta mucaaradka ay dhaliil u jeedinayaan hannaanka ay dowladda u marayso geedi-socodkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marar badan ku celceliyay in dhammeystirka dastuurka uu yahay furaha xasilloonida siyaasadeed iyo dhismaha dowladnimo buuxda oo Soomaaliyeed. Wuxuuna ugu baaqay dhammaan qeybaha kala duwan ee siyaasadda inay taageeraan dadaallada socda si loo xaqiijiyo hannaanka dastuuri ah oo dhammeystiran.

Exit mobile version