Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gaaray Dooxa si uu uga Qeyb Galo Shirka Degdegga ah ee Carabta iyo Islaamka.

0
40

Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, si uu uga mid noqdo madaxda kale ee ka qeyb galeysa shirka degdega ah ee wadajirka ah ee dalalka Carabta iyo Islaamka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa duqeyntii dhawaan ay Israa’iil ka geysatay magaalada Dooxa, gaar ahaan dhismo ay deggan yihiin madaxda Xamaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Dooxa waxa uu sidoo kale kulamo la qaadan doonaa qaar ka mid ah madaxda dalalka ka soo qeyb galaya shirka oo uu kala hadli doono xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.

Ka qeyb galka Soomaaliya waxa uu muujinayaa sida ay uga go’an tahay in ay kaalin muuqata ka qaadato arrimaha Islaamka iyo Carabta, gaar ahaan xoojinta midnimada, wadajirka, iskaashiga dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda ee dowladaha xubnaha ka ah.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here