Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Baqdaad si uu uga qayb galo Shirka 34aad ee Jaamacadda Carabta

0
25

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Baqdaad, caasimadda dalka Ciraaq, si uu uga qayb galo meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta.

Shirkan heerka sare ah ayaa lagu gorfeyn doonaa arrimo la xiriira xasaradaha amni iyo siyaasadeed ee ka taagan dalal badan oo Carbeed, iyadoo lagu dhiirrigelinayo in la helo xalal waara oo mideysan oo lagu wajahayo dhibaatooyinka ka jira gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu shirka ka jeediyo khudbad rasmi ah, isagoo diiradda saari doona halganka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ugu jiraan ciribtirka Khawaarijta Al-Shabaab, taasoo ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee gobolka Geeska Afrika ka jira.

Soomaaliya oo ka tirsan Jaamacadda Carabta, ayaa shirkan u aragta fursad muhiim ah oo lagu xoojin karo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga amni ee ay la leedahay dalalka Carabta, si gaar ah kuwa taageeraya dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

RNN Somali TV ayaa si toos ah idiinla socodsiin doonta wararka kasoo baxa shirka iyo doorka uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka qaato madasha Carbeed.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here