Site icon rnnsomalitv

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Furay Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho

Muqdisho, Maajo 5, 2025 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo ka dhacay Muqdisho, caasimadda dalka.

Shirkan ayaa qeyb ka ah gogosha wadatashi qaran ee uu Madaxweynuhu fidiyey, si loo dardargeliyo wadahadallada siyaasadeed ee heer qaran. Kulanka waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, kuwaasoo kala ah:

• Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xamse Cabdi Barre,

• Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 1-aad Mudane Saalax Axmed Jaamac,

• Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed,

• Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen,

• Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye,

• Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali,

• Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Amiir.

Shirkan heerka qaran ah ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha amniga dalka, howlgalka xoreynta deegaannada ay weli joogaan kooxaha argagixisada, dhammaystirka dastuurka kumeelgaarka ah, hannaanka dimuqraadiyadda, iyo dib-u-dhiska ciidamada qaranka.

Exit mobile version