Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa u dhoofay Kampala si uu uga qeyb galo shir madaxeedka waddamada ciidamadoodu ka joogan Soomaaliya

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa u dhoofay magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono shir madaxeed ay isugu imaanayaan madaxda dalalka ciidamadoodu ka qeyb qaataan howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM (African Union Somalia Support Mission).

Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa mustaqbalka howlgalka AUSSOM, wada shaqeynta amniga ee gobolka, iyo qorshaha ku aaddan sidii mas’uuliyadda amniga loogu wareejin lahaa si buuxda ciidamada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu la kulmo madaxda kale ee ka qeyb galeysa shirka, si ay uga wada hadlaan iskaashiga amni iyo xoojinta taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *