Madaxweyne Xasan oo Ka hadley xiisadda dagaal gobolka Gedo

0
39

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Cedo, isagoo u rajeeyay dhaawacyada in Alle u boogo dhayo oo caafimaad degdeg ah siiyo.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale faray Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya in ay gargaar caafimaad iyo taageero bani’aadannimo gaarsiiso dadka ay saameeyeen xaaladda ka taagan gobolka.

Madaxweynaha ayaa faray ciidanka ka tallaabay xuduudda dalka aan dariska nahay ee Kenya inay dib ugu soo laabtaan deegannadoodii, isagoo xaqiijiyay in aan cidna ciqaab la marin doonin, islamarkaana loo ballan qaadayo badgabka iyo nabadgelyadooda.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku boorriyay dhammaan dhinacyada ku lugta leh xiisadaha gobolka in ay ka shaqeeyaan nabadda, midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

IMG_3309-300x375-1-240x300 Madaxweyne Xasan oo Ka hadley xiisadda dagaal  gobolka Gedo

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here