Madaxweyne Ibrahim Traoré: “Waxaan ka badbaaday in ka badan 10 shirqool, balse ma sheego si aan cadowgayga u dhiirrigelin”

Burkina Faso – Madaxweynaha dalka Burkina Faso, Ibrahim Traoré, ayaa markii ugu horreysay si cad uga hadlay isku dayo badan oo lagu doonayey in lagu khaarajiyo. Wuxuu sheegay in muddo kooban gudaheed uu ka badbaaday in ka badan 10 shirqool, balse uu si ula kac ah u go’aansaday inuusan arrintaas shaacin.

“Ma sheego sheego sababtoo ah ma doonayo inaan dhiirrigeliyo cadowgayga ama dadka qaarkood iigu fekerayaan inaan is xayaysiinayo,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Traoré wuxuu si adag u dhaliilay siyaasadda Reer Galbeedka ee ku wajahan Afrika, isagoo sheegay in dalalkaasi ay Afrika u diraan dad aan tayo lahayn balse la qurxiyey, halka dadka Afrikaanka ah mararka qaar loo arko sidii indheergarad ka yimid meelo kale.

“Reer Galbeedka dhamaan safiiradooda, madaxda hay’adaha iyo siyaasiyiinta ay usoo diraan Afrika waa doqonno la qurxiyey oo xilal loo dhiibay. Nasiib darro, Afrika waxay laysaa haldoorkeeda si ay indho beel uga dhigto shacabka,” ayuu yiri.

Madaxweyne Traoré wuxuu sheegay in burburinta shakhsiyaddiisa aysan ahayn ujeedka ugu weyn ee cadowgiisu leeyahay, balse ay doonayaan in la dilo hamiga, baraarugga iyo rajada shacabka Burkina Faso.

“Waxaan jebin doonaa xiriir kasta oo nagu sii hayey addoonsiga casriyaysan ee reer Galbeedka. Uma safri doono inaan tuugsanno dad nala mid ah, oo aan waxba naga fiicneyn,” ayuu ku daray.

Traoré ayaa intaa ku daray in dowladdiisu ay bilowday afar mashruuc waaweyn oo la xiriira wax-soo-saarka beeraha iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, kuwaas oo la filayo inay abuuraan 6,000 shaqo sanadka gudihiisa.

“Waa in aynu abaal marinno dadkeenna halgamay ee diiday dulaysiga. Waxaan rajo ka qabnaa inaan Burkino Faso ka dhigno dal deeq bixiye waxtar leh oo Afrika u adeega,” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa madaxweynuhu ka jeediyey shirweyne lagu qabtay Ouagadougou oo loogu magac daray:

Source – RTB – Radiodiffusion.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *