Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo si gaar ah uga digay in qof ama koox gaar ah ay isku dayaan inay qaranimada iyo dowladnimada u isticmaalaan dano gaar ah.
“Qof doonaayo inuu shaati dowlad isla ekeeysiiyo ayaa masiirka umadda burburinaya,” ayuu yiri Madaxweyne Deni, isagoo intaa ku daray in Puntland ay weli diyaar u tahay wadahadal iyo heshiis ku saleysan cadaalad iyo mas’uuliyad.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay xilli ay socdaan dadaallo lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, iyadoo Puntland si gaar ah u muujisay mowqifkeeda ku aaddan wada-shaqeynta iyo danaha ummadda Soomaaliyeed.

