Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay inuu ballan qaaday in uusan si shaqsi ah uga jawaabi doonin dadka dhaliila Xukuumaddiisa.
“Waxaan ballan qaadayaa in qof kasta oo Xukuumadda dhaliila aanan si shakhsi ah uga jawaabi doonin. Balse mararka qaarkood waa laga yaabaa in jawaab laga bixiyo hadallo gaar ah,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro, isaga oo muujinaya in dowladdu diyaar u tahay dhaliilaha la dhiso, balse sidoo kale laga jawaabi karo dhaliilaha aan salka lahayn.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay jiraan dareenno kala duwan oo ku aaddan sida Xukuumadda cusub ula dhaqmayso aragtida iyo dhaliilaha bulshada.

