Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo Ka Hadlay Furitaanka Biyaha Nile-ka Itoobiya, Kuna Baaqay Iskaashi Goboleed

0
34

Addis Ababa, Itoobiya – 9-ka Sebtembar, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyey xafladdii rasmiga ahayd ee furitaanka biyo-xireenka weyn ee Itoobiya – Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) – isaga oo ka hadlay mowqifka Soomaaliya iyo arrimaha gobolka.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dal kasta uu xaq u leeyahay inuu dano u gaar ah horumariyo, hase yeeshee ay lagama maarmaan tahay in laga fogaado xaalado siyaasadeed oo horseeda xasilooni darro iyo khilaaf gobolka ka dhasha.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu carabka ku adkeeyey in arrinta webiga Nile lagu xalliyo si ixtiraam iyo dheelitirnaan ku jirto, halkii lagu wajihi lahaa is-qabqabsi iyo loollan ka dhasha adeegsiga kheyraadka dabiiciga ah.

“Webiyada iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah waa in ay noqdaan kuwo iskaashi horseeda, ma ahan kuwo keena is-mariwaa,” ayuu yiri madaxweynuhu. “Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay qayb ka noqoto dadaallada nabadeed ee gobolka, gaar ahaan kuwa u dhexeeya dalalka dariska ah ee Masar, Itoobiya iyo Suudaan.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale muujiyay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay door wanaagsan ka ciyaarto dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda gobolka, iyadoo dhiirrigelinaysa wadahadal iyo xalal diblomaasiyadeed.

Munaasabadda furitaanka biyo-xireenka waxaa sidoo kale ka soo qayb galay madax ka tirsan dalalka deriska, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Kenya William Ruto, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyo Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir Mayardit — taas oo muujinaysa muhiimadda uu mashruucani u leeyahay guud ahaan Qaaradda Afrika.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here