Muqdisho | May 7, 2025 – Warar hoose oo laga helayo shirkii Madasha Wadatashiga Qaranka ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa muujinaya in madaxda qaar ee Dowlad Goboleedyada ay cabasho ka muujiyeen qodobo cusub oo miiska la keenay.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in hal madaxweyne Dowlad Goboleed uu si gaar ah uga horyimid hindise siyaasadeed oo laga keenay Madaxtooyada Federaalka, kaas oo la doonayo in dhammaan xubnaha Madasha ay ku midoobaan urur cusub oo siyaasadeed oo la yiraahdo Ururka Caddaaladda iyo Horumarka.
Madaxweynahaasi waxa uu sheegay in qorshahani uu dhaawici karo madaxbannaanida maamul goboleedyada, islamarkaana uu abuuri karo xasarad siyaasadeed oo hor leh, xilli dalka uu wajahayso doorashooyin muhiim ah.
Inkasta oo war-saxaafadeedka rasmiga ah ee shirku uu muujiyay is-afgarad iyo wada shaqeyn, haddana arrimahan hoose ayaa tilmaamaya in shirku weli xambaarsan yahay kala duwanaansho siyaasadeed iyo aragtiyo isdiidan oo u baahan in si qoto dheer looga doodo.
Madaxda shirka ka qeybgalaya ayaa lagu wadaa inay mar kale isugu soo laabtaan kulan kale si loo sii amba-qaado wadahadallada, loona xalliyo qodobada la isku hayo.

