Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay si adag u canbaaraynaysaa dhul boobka ka socda xaruuntii Kuliyadda Tababarka Abbaanduulka Ciidanka ee Axmed Gurey, Dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliveed (JUS), gaar ahaan Xaruuntii Jiifka Ardayda iyo Kulliyadda Caafimaadka.
Madashu waxay ugu baaqaysaa dowladda federaalka ah iyo hay’adaha garsoorka in ay si degdeg ah u joojiyaan dhul-boobkan, islamarkaana la hor keeno ciddii ku lug leh. Sidoo kale, waxay ugu baaqaysaa shacabka iyo bahda waxbarashada in ay muujiyaan midnimo iyo u istaag difaaca hantida guud ee qaranka.