Site icon rnnsomalitv

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo Qaadacday Gogosha Madaxweynaha

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u shaacisay in aysan ka qeyb geli doonin gogosha siyaasadeed ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, u fidiyay 15-ka iyo 22-ka bishan Juun.

Qoraal rasmi ah oo ay Madashu maanta soo saartay ayay ku sheegtay in kulamada uu Madaxweynaha ku baaqay ay u muuqdaan kuwo aan loo dhammayn, isla markaana u muuqda inay sii xoojinayaan khilaafka siyaasadeed halkii laga filayay in xal laga gaaro.

“Madashu waxay hore u soo dhoweysay gogosha Juun 1-deedii, iyadoo ku baaqday in ay noqoto mid ay si buuxda uga qayb-galaan madaxda dowlad-goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka, si wadahadal dhab ah looga yeesho masiirka dalka,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Si kastaba, Madashu waxay sheegtay in talaabooyinka Madaxweynaha ee dambe, gaar ahaan gogosha Juun 15 iyo 22, ay caddeeyeen in uu doonayo in uu hal dhinac ku sii socdo, taasoo ay sheegtay in ay niyad-jab ku keentay shacabka iyo saaxiibada Soomaaliya ee rajo ka qabay midnimo siyaasadeed.

Madasha Samatabixintu waxay mar kale ku celisay inay u taagan tahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, ayna diyaar u tahay gogol wadahadal oo dhab ah, laguna xallinayo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ragaadiyay.

Ugu dambeyntii, Madashu waxay ugu baaqday Madaxweynaha iyo madaxda kale ee dalka in la abuuro madal siyaasadeed oo loo dhan yahay, si looga hortago kala fogaanshaha siyaasadeed iyo cadowga dalka kusoo wajahan.

Exit mobile version