Waraar dheeri ah ayaa ka soo baxday dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo ciidamada Jubaland ee Beled-Hawa halkaas oo 6 askari la xaqiijiyay inay dhinteen, halka in kabadan 8 ay dhaawacmeen.
Sidoo kale qaar ka mid ah dadka rayidka ah ee ku dhaawacmay dagaalka ayaa loo qaaday isbitaallada magaalada iyo xadka Mandera, halkaas oo ay ku helayaan daaweyn.
Maamulka Jubbaland wuxuu ku dhawaaqay inay si buuxda ula wareegeen xarunta degmada Beledxawo iyo amniga guud ee magaalada, ka dib dagaal culus oo dhacay saaki aroorti xore.
Dagaalku wuxuu bilaabmay subaxnimadii hore ka dib markii laba helikobtar ay soo galeen saldhigga militariga UK saaka,iyagoo wata wafdi uu hogaaminayo Abdirashid Janan oo ay weheliyaan saraakiil iyo askar.
Abdirashid Janaan Aya dhowaan loo magacaabay Taliyaha NISA ee Jubbaland iyo Madaxa Amniga Guud ee Gobolka Gedo
Xaaladda Beled Hawa ayaa hadda la sheegay inay degantahay, in kasta oo dadka deegaanka ay wali ka baqayaan suurtagalnimada dagaal dheeri ah.