Site icon rnnsomalitv

Lafta-gareen oo Nairobi kulan kula qaatay danjiraha midowga Yurub u fadhiya Somalia

Hoggaamiyaha Dowlad Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Magaalada Nairobi ujooga safar shaqo ayaa kulan la qaatay Danjiraha Midowga Yurub ufadhiya Soomaaliya Ms Karin Johansson

Hoggaamiye Laftagareen iyo Ms Karin Johansson ayaa ka wada hadlay Xaalada Siyaasada Dalka, Amniga guud Deeganada Koonfur Galbeed ,Mashaariicda EU ay ka wada Deeganada Koonfur Galbeed iyo Arimaha Biniadanimada.

Kulanka waxaa Hoggaamiye ku wehlinaayey Wasiirada Wasaaraddaha Qorshaynta, Gargaarka, Agaasimaha Madaxtooyada iyo la Taliyaha Madaxweynaha.

 

Exit mobile version