Site icon rnnsomalitv

Kulan looga hadlay sare u qaadista amniga Caasimada oo Muqdisho lagu qabtay

Taliyaha Qeybta Boliiska Gobolka Banaadir G/sare Mahad Cumar Muumin, ayaa Shir Guddoomiyey Kulanka looga hadlayay Xoojinta Amniga caasimada oo ay Goob Jooga ahaayeen Dhammaan laamaha Amniga.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Taliyaha  Saraakiisha Amniga Caasimada Qeybahooda kala duwan .Boliiska .Nisa  iyo Boliisiya Meletare .

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta Amniga Caasimadda , la dagaallanka maandooriyaha, iyo ka hortagga falalka amni-darrada ah ee ay gaystaan kooxo tuugo ah.

Taliye Mahdi ayaa ku adkeeyey masuuliyiinta Amaanka muhiimadda wada-shaqeynta Boliiska iyo bulshada si loo xaqiijiyo dadaallada kor loogu qaadayo Amaanka guud ee Dalka.

Exit mobile version